Get Mystery Box with random crypto!

Sheekada ninkaan duuliyaha ah waa qosol iyo dhiirrigelin miira | Saajid Pro💡🕯

Sheekada ninkaan duuliyaha ah waa qosol iyo dhiirrigelin miiran. Wuxuu yiri dadka Soomaalida ah marka ay i arkaan waxay i dhihi jireen diyaaradda keligaa miyaa wada ama waa lagu la wadaa. Waxaan dhihi jiray qofkii i baraayay ayaa ila wada. Markaas waxay dhihi jireen saas dheh, keligaa diyaarad ma wadi kartide.

Markii aan keligeey diyaarad waday waxay hadana i dhaheen diyaaradda rikaab miyaa raaco. Waxaan dhahay maya ee afar qof oo duuliyayaal kale ah ayaan ku raacnaa. Waxay dhaheen saas dheh, adiga diyaarad rikaab saaran yahay ma wadi kartide.

Markii aan diyaarad rikaab saaran yahay waday hadana waxay i dhaheen dibadda miyaa aaddaa, mise dalka Mareykanka gudihiisa lee ku waddaa. Waxaan dhahay gudaha waddanka lee ku wadaa. Waxay dhaheen saas dheh, adiga miyaa wadi kara flight international ah.
Markii aan waday flight international ah waxay i dhaheen ma wadi taqaannaa diyaarad dagaal hhhhhhhh.
Soomaali waa fadhi-ku-dirir caadi ah. Qac ayay ka yeersiiyeen duuliye Cali Jeex

Xigasho: Cabdirisaaq Xasan Jidhi.